4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Maamulka Hirshabeelle oo soo dhaweeyay matallaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

 

Jimco, Janaayo, 29, 2021 (HOL) -Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabadii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ku saxiixay 13ka Kursi ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri '' saxiixa madaxweynaha ee Kuraasta gobolka Banaadir uu  ku yeelanayo Aqalka sare waa xaq dastuuri ah oo gobolka Banaadir siinaya mid la mid ah  mataallada Aqalka sare ay ku leeyihiin gobollada kale ee dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]