4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Jabuuti oo ka hadashay go'aanka guddiga xaqiiqo raadinta khilaafka dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) -  Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa looga hadlay go'aankii ka soo baxay guddigii xaqiiqo raadinta Urur gobolleedka IGAD uu u saaray muranka dhinaca xudduuda ah ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in go'aanka ay soo saareen guddiga uu ahaa mid loo fuliyay si dhaxdhaxaadinmo ah kaa oo jawaab u ahaa eedeyn uga timid dhinaca Soomaaliya oo go'aankaa ku tilmaamtay mid hal dhinac ah.

Sidoo kale Jabuuti ayaa sheegtay in howlasha guddigan ay ku timid kaddib go'aan ay sidaa ku gaareen madaxda urur gobolleedka IGAD iyo ruqsad laga heystay labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Jawaabta Jabuuti ayaa imaneysa xili dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay guddiga in ay  warbixintooda ku saleeyeen oo kaliya xigashada hal dhinac oo ah Wasiirka Difaaca Kenya, taasoo ah mid aan lagu kalsoonaan karin.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]