4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Deni iyo Axmed Madoobey oo ku baaqay shir deg deg ah

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed ay wada jir u soo saareen madaxweyne dowlad gobolleed Puntland iyo Jubaland ayeey ku dalbadeen shir deg deg ah looga hadlayo khilaafka ka taagan wali qabsoomida doorashada heer Federaal ee dalka.

Waxaa ay siweyn war-saxaafadeedkooda uga hadleen heshiiskii doorasho ee Madaxda Dowladda iyo dowlad goboleedyada Muqdisho ku gaareen 17-kii Bishii September, kaas oo dhaqan geli waayay iyo caqabadaha ka horyimid.

30ka bishan Janaayo ayeey ku baaqeen in la qabto shir weynr looga arinsanayo doorashooyinka dalka, madaama 8 Feberaayo oo maalmo kooban uun naga xigaan uu ku eg yahay muddo xileedka dowladda hadda jirta.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]