4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Qarax lala eegtay gaari ay la socdeen shaqaalaha ku howlan dhismaha waddada Afgooye

 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Hal qof oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in uu ku geeriyooday Qarax goor dhaw lala eegtay gaari ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha ku howlahan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Gaariga la bartilmaameedsaday oo ahaa Toyota Hilux ayaa lagu waramayaa in lala eegtay qarax miino xili uu marayay gagaarka Beerka Jaadka ee degmada Hodan.

Lama oga khasaaraha soo gaaray shaqaalaha la socday gaariga la weeraray, waana qeyb ka mid ah weerarro is daba joog ah oo horay loogu qaaday shaqaalaha iyo Injineerrada ku howlaha dhismaha waddada dheer ee gasha degmada Afgooye.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]