4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Muddo kordhin loo sameeyay howlgalka ciidanka Turkiga ee Xeebaha Soomaaliya
 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Baarlamaanka dowladda Turkiga oo yeeshay kulan aan caadi aheyn ayay ku ansixiyeen qaraar la xiriira muddo kordhin ku saabsan howlgalka ciidamada Turkiga ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Mudanayaasha Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa dood adag ka yeeshay muddo kordhinta kuwaas oo markii dambana ansixiyay iyadoo mudooyinkii dambe qorshahaasi uu ahaa mid ay wadeen madaxda wadanka Turkiga.

Ciidamada Turkiga howlgalka aay ku joogaan Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed ayaa ku ekaa 10-ka bisha soo socata ee Febraayo 2021 waxaana haatan loogu daray joogitaanka howlgalkooda muddo hal sano ah oo ku ek 10-ka Febraayo ee sanadka 2022.

Kharaarkan muddo kordhinta ah ayay Baarlamaanka dalkaasi Turkiga ku sheegeen iney muhiim u tahay sugida amaanka Maraakiibta iyo Doomaha ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed si looga badbaadiyo weerarada kaga imaan kara kooxaha Burcad badeeda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]