4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2021
Magaalada Mandera oo laga dareemay saameynta dagaalkii degmada Beled-Xaawo

 

Talaado, Janaayo, 26, 2021 (HOL) -Bilow Keeroow oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Mandera dareemeyn saameynta dagaalkii Isniintii shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo.

Isaga oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC da ayuu sheegay in labada magaalo yihiin kuwo daris ah oo mar walba colaadoodu isa saameyso, isaga oo intaa ku daray in dagaalkii shalay uu horeeday in Isgaarsiintu ka go'do magaalada.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku darray in xitaa rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen qaarkood ay ku soo dhacayeen magaalada Mandera, arintaa oo wal wal iyo cabsi badan ku abuurtay bulshada ku dhaqan  magaalada.

War qoraal ah oo maalintii shalay ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dagaallada xudduuda labada dal Soomaaliya iyo Kenya yihiin kuwo saameyn dhinacyo badan leh yeelanaya iyaga oo ku baaqay in dagaalka la joojiyo dagaalka Beled-Xaawo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]