4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2021
Dowaladda Vietnam oo sheegtay in ay xoojineyso taageerrada Soomaaliya

 

Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowaladda Vietnam ayaa sheegtay in ay taageerayso geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka soo socda in ay ku dhacaan si nabad ah oo heshiis ay ku yihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliya.

Nguyen Phuong Tra, Kuxigeenka Wakiilka Joogtada ee Vietnam ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumadooda ay qorsheysay in dadaalka loogu jiro Soomaaliya oo nabad ah ay doorkooda ka qaataan.

Wadahadalkii aan rasmiga aheyn ee dhex maray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq bishan  Janaayo 20,  Nguyen Phuong Tra waxaa ay muujisay rajadeeda ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo xisbiyada siyaasada ay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan sidii loo gaari lahaa is afgarad siyaasadeed oo gaar ah, taariikhda la qabanayo doorashooyinka iyo sidoo kale xal u raadinta caqabadaha jira.

Waxey cambaareysay Qaraxii ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoos  iyo sidoo kale weerarro kale oo lala beegsaday dadka rayidka ah, ciidamada amniga iyo kuwa millatariga, iyo xarumaha UN-ka iyo Afrika Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM .

Waxey sheegtay in mar walba ay u taaggan yihiin  taageerada dadaalka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo horumarka, iyadoo dhanka kale ka codsatay bulshada caalamka in ay ka caawiso Soomaaliya sidii ay ku gaari lahayd himilooyinkeeda iyada oo ku saleysan ixtiraamka sharciga caalamiga iyo iyo madaxbannaanida dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]