4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Dowladda oo sheegtay in la qabtay saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan

 

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta lugu dhigay saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay waqti danbe lagu dilay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka guddoomiyaha degmada Hodan ka danbeeyeen ciidan ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, islamarkaana gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyaha.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili falka arntan ku saabsan dowladdu u soo xirtay guddoomiyayaashii saldhigyada Booliiska degmooyinka Howlwadaag iyo Waabari.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]