4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Golaha Midowga murashixiinta oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu si dhab ah uga hadlo dhalinyarada tababarka loogu qaaday Ertirea
 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Golaha midowga murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu si dhab ah uga hadlo xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea iyo wararka sheegaya in qaar kamid ah ay ku dhinteen dagaalada Ethiopia ka socday.

Afhayeenka golaha midowga murashixiinta Ridwaad Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku baaqay in aan la dhayalsan dareenka waalidiinta Soomaaliyeed ee ka welwelsan ubadkooda islamarkaana laga dhigan in yihiin dad uu mucaaradku soo abaabulay oo lacago lagu siiyay in ay been sheegaan.

Afhayeenka midowga murashixiinta wuxuu sheegay hadal uu dhawaan bixiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya inuu abuuray shaki welwel galiyay waalidiinta ilmahooda ka maqan yihiin, kadib markii uu wasiirku ka meermeeray inuu caddeeyo in dhalinyaro Soomaaliyeed ay tababar ugu maqan yihiin dalka Eritrea.

“Waxaa dowladda looga baahan yahay in ay dadka u keento caddeymo cad cad. Looma baahna in laga dhigo arin siyaasadaysan,”ayuu yiri afhayeenka midowga musharixiinta.  

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa habeen hore beeniyay wararka ku saabsan in dhalinyaro  tababar ciidan loogu qaaday Eritrea ay ku dhinteen dagaalada ka socday waqooyiga  Ethiopia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]