4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Diiwaanka Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya oo laga saaray TPLF

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War ka soo baxay guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay n gabi ahaanba diiwaanka Xisbiyada dalkaasi laga saaray TPLF oo ah xisbi ay ku xoogganaayeen hoggaanka Tigrayga ee looga adkaaday dagaalkii dhawaanta ka dhacay Waqooyiga dalka Itoobiya.

Guddi ayaa taalaabadooda u cuskaday in TPLF ay ka danbeeyeen qalalaasihii iyo dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Itoobiya.

Dhinaca kale guddiga doorashooyinka ayaa ka dalbaday saddex xisbi oo kale oo  dhisan gobolka Tigrayga in ay jawaab ka keenaan doorasho ay kala qeyb qaateen TPLF taasoo ka dhacday gobolka Tigrayga, inkastoo xisbiyadaasi aan la sheegin in iyagu laga saaray diiwaanka.

Dowladda Itoobiya ayaa saraakiishii sar sare ee Tigrayga qaarkoodna dhagta dhiiga u dirtay [dishay] halka kuwa kalana ay xabsiga dhigtay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]