4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Dowladda Federaalka oo beenisay in Askar Soomaaliyeed lagu laayay dagaalkii Waqooyiga Itoobiya

Talaado, Janaayo, 19, 2021  (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warar soo baxay oo sheegaya in dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka  Eritrea ka qeyb qaateen laguna laayay dagaalkii dhaxmaray ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo TPLF

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aysan jirin Askar Soomaaliyeed oo ku lug yeeshay dagaalka Itoobiya ama lagu dilay

' Ma jiraan Askar Soomaaliyeed oo Itoobiya naga dalbatay ama ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigreyga, waa warar mala awaal ah, waana waxba kama jiraan ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ka hadlayay TV Qaranka.

Saraakiil hore iyo Siyaasiyiin ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed lagu laayay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Waqooyiga Itoobiya ee Tigreyga kaddib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay in ay ka qeybqaataan dagaalkaas waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hasse ahaatee Wasiir Dubbe ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la siyaasadeeyo, laakiin dhinaca kale waxaa uu Wasiirku ka war wareegtay in ay jiraan ciidan Soomaaliyeed oo tababar u jira dalka Eritrea.

''Ciidamada Soomaaliya dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa lagu tababaraa, micno badan ma sameyneyso in aan hadda dal gaar ah carabka ku dhufano, laakiin waxaan cadey-nayaa in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay dagaalka Itoobya ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayay BBC-da

Waalidiin badan ayaa wal wal iyo walaac ka qaba halka ay ku danbeeyeen wiilashoodii tababar loogu qaaday dalka Eritrea kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed u dhinteen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]