4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Guddigii xaqiiqo raadinta eedeeymaha Soomaaliya u jeedisay Kenya oo soo gabagabeeyay baaritaankoodii
 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Ergadii xaqiiqo raadinta eedeymaha ku saabsan xadgudubyada dhuleed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay howshoodii ku aadanayd u kuur-galka waxa ka jira xad gudubyada Soomaaliya ay ku eedeeysay Kenya.  

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ergadan diray, ayaa ka kooban diblomaasiyiin iyo taliyayaal ciidan, waxayna booqdeen Kenya iyo Soomaaliya usbuucii la soo dhaafay si ay u hubiyaan sheegashada Muqdisho ee ah in Nairobi ay faragelisay dhulka Soomaaliya.

Wafdiga oo ay kala hogaaminayeen safiirada Jabuuti ee Soomaaliya iyo Kenya, Aden Hassan Aden iyo Yacin Elmi Bouh ayaa waxay soo mareen Muqdisho, Nairobi iyo aaga xuduuda Mandheera iyo Gedo, halkaas oo ay ku soo qaateen socdaal xaqiiqo raadin ah oo socday shan cishe.

Guddigaan ayaa warbixintooda u gudbin doona madaxweye Geelle.

Kenya waxay beenisay eedeymaha Soomaaliya ee ku saabsan xad-gudubyada dhuleed waxayna siisay sawirro dayax gacmeed muujinaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Soomaaliya sameysay sideedii bilood ee la soo dhaafay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]