4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Cabdicasiis Laftagareen oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool

 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray magaalada degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay ka jirto xaalad nolaleed oo aad u adag.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay degmada maamulka iyo waxgaradka, saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mar uu la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in degmada u dhiban tahay go'doomin ay ku hayaan xoogagga ururka Al-shabaab, isaga oo intaa kud darray in Al-shabaab ay gubeen toddobaadyadii la soo dhaafay ku dhawaad 17 gaadiid xamuul ah oo ku soo jeeday Xudur.

Waxaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida in arintan wax laga qabto, isaga oo dhinaca kalana hay'addaha samafalka ku wargaliyay in kaalmo lala soo gaaro dadka tabaaleysan ee ku dhaqan Xudur.

Booqashada Laftagareen ee Xudur ayaa imaneysa kaddib qeylo dhaan weyn oo ay muujiyeen bulshada degmada oo sheegay in ay soo food saartay daruuf nololeed tii ugu liidatay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]