Ra'iisal Wasaare Rooble oo howlaha doorashada u xil saaray Wasiiru-dowlaha xafiiskiisa

Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa u magacaabay Wasiiru-dowlaha Xafiiskiisa Cabdixakiin Xassan Ashkir howlaha doorashada.
Sida Qoraalka Ra'iisal Wasaaraha ku cad Wasiiru-dowlaha ayaa ka shaqeyn doona isku xirka guud ahaan howlaha doorashada, isaga oo xiriirin doona Xukuumadda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha Caalamka.
Hoos ka akhriso Qoraalka
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com