4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Ilaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay  fiidnimadii Axadda  weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen  xoogagga Al-shabaab saldhig ay ku lahaayeen ciidanka dowladda gobolka Shabeellada Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Al-shabaab  ay weerareen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo fariisin ku lahaa  degmada Balcad  halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado kooban socday.

Warka ku saabsan geerida askarta waxaa xaqiijiay saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waana qeyb ka mid ah weerarrada joogtada ah ee kooxda ay ku bartilmaameedsaneyso saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

Dhawaan ayeey aheyd markii qof ismiidaamiye ah uu weerar ku qaaday dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho Afgooye halkaasoo uu ku diay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen Injineerro Turkish ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]