4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, oo shaaciyay xiliga ay bilaabmayso qabashada codsiyada musharixiinta
 

Talaado, Febraayo, 09, 2021 (HOL)- Hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo guddoomiyayaasha xisbiga ee gobolada Somaliland, oo maanta kulan tababar iyo isxogwaydaarsi ah ku yeeshay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in maalinta bari ee 10 (toban) ka bishan Febraayo ay bilaabmayso qabashada codsiyada musharixiinta doonaysa in ay iska sharaxaan xisbiga Wadani.

Kulan kan, oo ahaa mid tababar lagu siinayay gudoomiyayaasha xisbiga ee gobolada Somaliland isla markaana layskaga xog waraysanayay sidi si habsamiya looga wadashaqayn laha arimaha doorashada, ayaa xisbigu wuxu sidookale iclaamiyay xiliga ay bilaabmayso qabashada codsiyada musharixiinta.

“ Sidaan la socono doorashadii waxa ay mudaysantahay 31 ka bisha 5aad ee sanadkan 2021 ka, waxaynu iyadana lasoconaa in Covid 19 kii iyo xanuuno jiraan oo markaa wakhti dheeraada ay qadanayaan wax yaabihi lasoo dabici lahaa, sida daraadeed gudida doorashooyinku waxay naga soo codsadeen in hawsha soo xulista musharixiinta la dadajiyo, oo sida ugu dhakhsaha badan loogu soo gudbiyo gudadida doorashooyinka qaranka, sida daradeed qabashada codisyada musharixiintu waxay si toosa u bilaambaysa bari oo ah tobanka bisha 5aad”. Waxa sidaa yidhi xogeeyaha guud ee xisbiga Wadani Md. Khadar Xuseen Cabdi.

Xogeeyaha ayaa intaa ku daray; in musharax waliba uu codsigiisa gayn doono xarunta xisbiga ee gobolka uu iska sharaxayo ku taala, “waxa lagu wargalinaya dhamaan musharixiinta iska soo sharxaysa xisbiga Wadani in musharax waliba uu codsigiisa ka xerayn doono xafiiska  xisbiga  Wadani ee gobolka.”

Xogeeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qabashada codsiyada musharixiintu ay soo gaba gaboobayso maalinta khamiista ah ee 19 (sagaal iyo toban) ka Febraayo, mudadaas oo ah 9 (sagaal) maal mood oo kaliya sida darteedna loobahanyahay in ay musharixiintu hore usoo xeraystaan codsiyada.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]