Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Guddoomiyaha degmada Baledweyne oo si adag uga horyimid shaqo joojin lagu sameeyay
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa si cad uga soo horjeestay shaqo joojin uu maanta ku sameyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiye Dhuuboow ayaa sheegay in sharci darro ay tahay shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoona sheegay inuusan shaqada ka joojin karin maadama hal meel laga soo wada magacaabay sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Dhuuboow.
" Dhowr jeer ayaa cabasho ka dhan ah Cali Jeyte u gudbiyay madaxda Hirshabeelle taaso la xiriirtay musuqmaasuqa guddoomiyaha maamulka Hiiraan Cali Jeyte, taasi ayaana keentay isku dhaceena iyo inuu shaqo joojin igu sameeyo" Ayuu yiri guddoomiye Dhuuboow
Guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa si toos ah ugu eedeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan inuu musuqmaasuqay qalab gargaar ah oo loo keenay Beeraleyda Baledweyne.
Hadalka iyo eedeynta guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa imaaneysa xili uu maanta soo saaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte amar uu shaqada kaga joojinaayo guddoomiyaha degmada Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland oo sheegtay in aan lagala tashan shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in lagu qabanayo Garowe
2/9/2021 4:49 PM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Puntand ayaa sheegtay in aan lagala tashan shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay inuu 15-bishan ka dhicidoono magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kaasoo looga tashanayo dhameystirka heshiiskii doorashada ee 17-kii september.
Tartanka Ciyaaraha Gobollada iyo Maamul magaalooyinka DDS oo maanta ka furmay Jigjiga
2/9/2021 4:32 PM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay tartanka Gobollada iyo Maamul magaalooyinka degaanka Soomaalida.
Ciidamada Haramcad oo dad shacab ah ku xirxiray magaalada Baledweyne
2/9/2021 1:24 PM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Ilaa afar qof oo dhalinyaro ah ayaa maanta lagu xiray Saldhiga Booliiska Baledweyne kuwaas oo aay ciidamada Haramcad kasoo ka xeysteen Xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad.
Madaxweyne Farmaajo oo mar kale shir isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir
2/9/2021 1:22 PM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir mar kale isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo ka furmaya 15ka bishan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.
Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, oo shaaciyay xiliga ay bilaabmayso qabashada codsiyada musharixiinta
2/9/2021 10:35 AM EST
Talaado, Febraayo, 09, 2021 (HOL)- Hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo guddoomiyayaasha xisbiga ee gobolada Somaliland, oo maanta kulan tababar iyo isxogwaydaarsi ah ku yeeshay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in maalinta bari ee 10 (toban) ka bishan Febraayo ay bilaabmayso qabashada codsiyada musharixiinta doonaysa in ay iska sharaxaan xisbiga Wadani.
Ra'iisal Wasaare Rooble oo dhagax- dhiggay baallaarinta Isbitaalka Yardimeli
2/9/2021 10:05 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo wehliyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu dhaxdhigayay ballaarinta Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay Kutlad Cusub
2/9/2021 10:03 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore cadaaladda adduunka ee ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo xilkii ka dagay
2/9/2021 5:51 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ICJ ayaa dooratay Madaxweyne cusub oo lagu magacaabao Joan Donoghue oo kasoo keeda waddanka Maraykanka.
Dowladda oo ka jawaabtay soo jeedinta siyaasiyiinta mucaaradka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxtooyada
2/9/2021 4:09 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeymaha uga imanaya mucaaradka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxtooyada iyo sharciyan cidda ay tahay in ay badasho hay'addaha dowladda ee waqtigoodu dhamaaday.
Midowga Yurub: Ismariwaaga siyaasadeed ee hoggaamiyaasha Soomaaliya wuxuu dhaawacayaa kalsoonida aan u hayno Soomaaliya
2/9/2021 2:27 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay heshiis la’aanta Soomaaliya ee qabashada doorashada guud ee soo socota in ay tahay mid halis ku ah xasiloonida Soomaaliya.
Golaha amniga Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeelanaya xaalada Soomaaliya
2/9/2021 2:22 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah kulmi doona si ay uga wada hadlaan qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ilo diblomaasiyadeed ayaa warkan kasoo xiganay.
Sharciga ma u ogolaanayaa in uu madaxweyne Farmaajo sii jooga xafiiska
2/9/2021 12:14 AM EST
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay ay uga ekeyd muddo xilkeedka xafiiska loo dhaariyay ee afarta sano ayeey dood badani ka taaggan tahay awooda sharci ee uu ku sii joogayo xafiiska.
Somali News
52 police had contact with Mohamud Hassan before his death
-
The Guardian
2/9/2021 11:09 AM EST
The police watchdog is facing growing pressure to disclose further information about the arrest of a man who died suddenly after being released from custody, after it was revealed that he came into contact with more than 50 police officers during the final hours of his life.
Somalia’s Justice Yusuf replaced by American as ICJ president
-
HOL
2/9/2021 9:26 AM EST
HAGUE (HOL) - Somalia’s Abdulqawi Ahmed Yusuf has been replaced as the president of International Court of Justice, the global court has said.
Farmaajo to stay in office until new president is elected-spokesman
-
HOL
2/9/2021 6:45 AM EST
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo will stay in office until a new president is elected, government spokesman Mohamed Moalimuu has said as the opposition demands the president steps down to pave way for a transitional body.
UN Security Council To Hold Somalia Meeting Tuesday
-
AFP
2/9/2021 1:38 AM EST
New York (AFP) - The UN Security Council will meet to discuss Somalia's political crisis, diplomatic sources said Monday, after opposition leaders in the East African country declared the president illegitimate.
Dreams of the Future: Educating children is an investment
-
UNICEF
2/9/2021 12:48 AM EST
Education prepares children to succeed in school, perform productive work, take care of themselves, and lead fulfilling lives. It can pave the way for children to realize their dreams and aspirations.
South Africa halts AstraZeneca rollout on fears it doesn't stop mild illness
-
Reuters
2/9/2021 12:40 AM EST
LONDON — South Africa halted Monday’s planned rollout of AstraZeneca’s COVID-19 vaccinations after data showed it gave minimal protection against mild infection from one variant, stoking fears of a much longer cat-and-mouse battle with the pathogen.
Arab spacecraft closes in on Mars on historic flight
-
AP
2/9/2021 12:39 AM EST
DUBAI, United Arab Emirates (AP) — A spacecraft from the United Arab Emirates was set to swing into orbit around Mars in the Arab world’s first interplanetary mission Tuesday, the first of three robotic explorers arriving at the red planet over the next week and a half.
Drought and lack of funding closes 21 schools in Somalia’s Gedo region
-
Radio Ergo
2/9/2021 12:32 AM EST
(ERGO) – A total of 21 local community schools educating nearly 3,000 children from pastoralist communities have closed down in Dollow and surrounding villages, in southern Somalia’s Gedo region, due to lack of funds to pay the teachers.
Joint communiqué on the critical desert locust situation and emergency response in Somalia
-
FAO
2/9/2021 12:25 AM EST
On 3 February 2021, the Ministry of Agriculture and Irrigation, Federal Government of Somalia, Federal member state (FMS) ministers from Jubaland, Hirshabelle and South West States, and the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) held a meeting in Mogadishu to deliberate and agree on immediate actions to address the critical desert locust situation in the country.
Somalia's lack of election deal extremely serious: EU
-
AA
2/9/2021 12:07 AM EST
European Union also ask nation’s leaders to show leadership, not make inflammatory statements