4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Barlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeeyay waxqabadka xukuumada raysal wasaare Rooble
 

Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhigooda 11-aad kulankiisa siddeedaad ayaa loo qeybiyay warbixin ku saabsan waxqabadkii boqolka (100-ka) maalmood ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.

Xildhibaanada barlamaanka ayaa sidoo kale ka dooday Akhrinta 3-aad ee Waxkabedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, 2-aad, iyo Tacliinta Sare. 170 xildhibaan ayaa meel mariyay sharciga Waxbarashada, mana jirin wax diiday ama ka aamusay sharcigan.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo guddomiye ku xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad, ayaa ku sugnaa kulankaan, xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka barlamaanka.

Maalinta Arbacada ah, waxaa la filayaa inuu barlamaanka hor yimaado raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo barlamaanka warbixin ka siindoona waxqabadka xukuumadiisa ee boqolka cishe.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa weli shaqadiisa caadi u wata, xilli uu dhamaaday muddo xilleedkii hay’adaha dowladda federalka Soomaaliya, iyadoo maanta ay ku egtahay muddo xilleedkii madaxweyne Farmaajo. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]