Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Maraykanka oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu si degdeg ah wax uga qabto jahwareerka doorashada ka taagan
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa ku boorrisay Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaran ee Soomaaliya inay hadda wax ka qabtaan jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka si loogu oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Maraykanka ayaa sheegay dhibaatada siyaasadeed ee sanadkii la soo dhaafay in ay dhalisay natiijo la'aan niyad jab leh oo la xiriirta la-dagaallanka al-Shabaab, hagaajinta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha ka dib markii la gaadhay marxaladda koowaad ee ka cafinta deynta.
“Si deg deg ah oo loo xaliyo ismari waaga doorashada ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Waa masuuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa gobolka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed ee taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka mudan ,” ayuu yiri Maraykanka.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Hadda la joogo xilligii la xallin lahaa arrimaha taagan oo la dhammayn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Dhalinyaro ku xiran Baledweyne oo maanta Maxkamad la horgeeyay
2/8/2021 11:18 AM EST
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markii ugu horeysay Maxkamad la horgeeyay lix dhalinyaro ah oo maalmahii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga Hay'adda Nabad-sugida gobolka Hiiraan oo ku yaala gudaha xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.
Madaxweyne Muuse Biixi: waxaynu galaynaa doorashadii ugu horaysay, ee aynu inagu ismaamulayno
2/8/2021 9:55 AM EST
Isniin, Febraayo, 08, 2021 (HOL)- madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan loogu diyaar garoobayo doorashooyinka golayaasha deeganka iyo wakiilada ee qabsoomi doona badhtamaha sanadkan la qaatay badhasaabadda gobolada iyo mayarada magaalooyinka Somaliland.
Barlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeeyay waxqabadka xukuumada raysal wasaare Rooble
2/8/2021 9:10 AM EST
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhigooda 11-aad kulankiisa siddeedaad ayaa loo qeybiyay warbixin ku saabsan waxqabadkii boqolka (100-ka) maalmood ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.
Xildhibaannada oo dib u celiyay Ra'iisal Wasaare Rooble oo khudbad ka jeedin lahaa Golaha
2/8/2021 7:16 AM EST
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa dib uga laabtay khudbad uu doonayay in uu u jeediyo xildhibaannada Golaha Shacabka taasoo uu kaga hadli lahaa wax qabadka xukuumadiisa muddadii uu xafiiska joogay.
Beesha caalamka oo sheegtay in horumar laga sameeyay shirkii magaalada Dhuusomareeb
2/8/2021 5:23 AM EST
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweeysay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember.
Xassan Sheekh '' Farmaajo mugdi ayuu galiyay mustaqbalka dalka
2/8/2021 3:00 AM EST
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu hadalka u dhiggay dalka galiyay mugdi iyo hubanti la'aan siyaasadeed.
Wararkii ugu danbeeyay xaalada siyaasadeed ee dalka
2/8/2021 2:40 AM EST
Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) Waxaa jirta hubanti la'aan siyaasadeed oo dalku uu wajahayo kaddib markii maaanta oo ay taariikhdu ku beegtay tahay 08 bisha Feberaayo uu soo idlaaday muddo xileedka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiska loo doortay maanta oo kale sanadkii 2017da.
Midowga Musharixiinta oo sheegay in Farmaajo aysan u aqoosaneyn madaxweynaha Jamhuuriyada
2/8/2021 12:08 AM EST
Isniin, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta uu ku eg yahay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay afar sano u buuxsantay ayaa war ay soo saareen midowga Musharixiinta waxaa ay ku sheegeen in laga bilaabo maanta aysan u aqoosaneyn Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.
Somali News
U.S., UN press Somali leaders to resume stalled electoral talks
-
HOL
2/8/2021 5:35 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The US and other international partners in Somalia have pressed the country’s leadership to revisit the stalled electoral talks ‘urgently’ as the country further plunged into uncertainty Monday after the term of President Mohamed Farmaajo lapsed with no agreement.
Opposition calls for Transition Council as Farmaajo’s term lapses
-
HOL
2/8/2021 2:58 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The Council of Presidential Candidates (CPC) has called for the formation of a Transitional Council noting that it no longer recognizes Mohamed Farmaajo as the legitimate president of Somalia.
UN, Ethiopia strike a deal over aid workers’ access to Tigray
-
Al Jazeera
2/8/2021 2:45 AM EST
World Food Programme says it will ‘scale up’ operations in embattled northern region after reaching a deal with Addis Ababa.
The story of Tiger Bay FC - the football club that helps bring together a community
-
Wales Online
2/8/2021 2:35 AM EST
Originally founded in 2009 entirely by first and second generation Somali immigrants, Tiger Bay FC are different to most local football teams.
Roadside bomb kills 12 Somali soldiers
-
VOA
2/8/2021 2:18 AM EST
Twelve members of Somalia’s security forces were killed, and two others wounded on Sunday following a powerful roadside explosion in the central state of Galmudug, officials said.
Council of Presidential Candidates says it will no longer recognize Farmaajo as president
-
HOL
2/8/2021 2:03 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Council of Presidential Candidates (CPC) has announced that it will not recognize Mohamed Abdullahi Farmajo - Whose mandate expired today - as the legal President of Somalia in a press statement released on the 8th of February.
N.B. groups fill gap by translating pandemic information into dozens of languages
-
CBC
2/8/2021 12:28 AM EST
'Having the information in your mother tongue is the best and easiest way to understand'