4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay dib u doorashada hoggaanka Midowga Africa

 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkeynta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]