4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 5 , 2021
Xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Buuhoodle kadib dil caawa ka dhacay
 

Jimco, Feberaayo, 05, 2021 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in rasaas ay ka dhacayso magaalada, taas oo ka danbaysey kadib markii la diley nin ganacsatada magaalada ka mid ah.

"Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay nin ganacsade ah, taasina waxay keentay in inta badan magaalada xiisadi ka bilaabanto ganacsigiina xidhmo" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Maxamed oo aan la xidhiidhnay.

Xiisadan ayaa daba socota dilal todobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ka dhacay oo maalintii shalay la soo gabagabeeyey, iyadoo taageero heshiiskaas ah lagu qabtay magaalada Buuhoodle.

Ilaa hada ma cada qasaare ay sababtay rasaasta danbe ee ilaa hada ka dhacaysa magaalada, iyadoo dadka qaarkii ay sheegayaan in rasaastu u badan tahay mid lagu kala celinayo ciidamo ninka la diley ku ehel ah.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood