4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo wareegto kusoo saaray waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa deegaanka
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo arbaco ah meel mariyey cayimaadda maalinta  ay dhacayso Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Go’aamiyey in doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Somaliland Maalin Isniin ah oo ku beegan 31ka Bisha May 2021.

Tallaabadan ayaa waxay soo gaabinaysaa muddo kordhin 2019 loo sameeyay Golaha wakiiladda oo waqtigoodu ku yahay bisha November ee sanadkan, waxayna ahayd markii lixaad oo muddo kordhin loo sameeyo.

Go’aanka madaxweyne Muuse Biixi ayaa daba socda kadib markii Golaha Guurtida Somaliland ay shalay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen go’aankii ay guddiga doorashooyinka ku muddeeyeen in Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada qabsoonto 31-ka bisha May 2021.

Somaliland oo doorashooyinkoodu ku salaysan yihiin nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan, ayaa waxaa mar walba dib u dhaca waqtiyada doorashooyinka madaxtooyada iyo kuwa wakiiladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online