Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka gaar ahaan Soomaaliland oo goordhaw Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne Qaran oo looga hadlaayo xaaladdaha dalka iyo doorooshada.
newsinsideXildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay shirka wadatashiga ee maanta Dhuusamareeb uga furmay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyagoona sheegay inuu yahay shirkaasi mid aanan loo dhameyn.
Waxay sidoo kale sheegeen in shirka Dhuusamareeb aanan lagu casuumin guddoomiyaha Aqalka Sarre ee dalka Cabdi Xaanshi Cabdullaahi kaaso aay sheegeen inuu horay u dalbaday ka qeybgalka Shirka hayeeshee aanan looga soo jawaabin.
Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa si cad u qaadacay shirka maanta ka furmay Dhuusamareeb ee uu dhawaan iclmaaliyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]