4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Shirka Dhuusa-Mareeb oo maanta furmaya iyo kulamo gooni gooni ah oo xalay dhacay

 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah lagu waddo in uu halkaa ka furmo shir madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo looga arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulamo gooni gooni ah oo xalay dhacay durbaba ay ka soo baxayaan in wali uu jiro ismari-waa u dhaxeeya madaxda halkaa kuwada sugan ka hor inta uusan shirku furmin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa aad u daneynaya in marka hore laga wada hadlo arrimo dhowr ah u baahan in xal laga gaaro inta aan la abaarin arinta doorashada sida ka qeybgalka shirka ee Gobolka Banaadir iyo waliba arinta gobolka  Gedo oo wali ah caqabad weyn oo ku hor gudban doorashada.

Hasse ahaatee dhinaca kale Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha saddexda dowlad gobolleed Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa ku adkeysanaya in laga wada-hadlo oo kaliya qabsoomida doorashada iyo hergalinta heshiiskii 17kii September 2020 ee la xiriira hannaanka loo marayo doorashada oo ah ajandaha shirka.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb isaga oo kala hadlay arrimaha shirka iyo sidii ay dhinacyadu isugu soo dhawaan lahaayeen.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka dalka oo dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid kaddib markii ay ka biyo-diideen ka qeybgalka doorashada dowlad gobolleedyada qaar iyo midowga musharixiinta dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]