4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2021
Puntland iyo Jubbaland oo soo dhoweeyay heshiiskii Muqdisho ku dhex maray dowladda federalka iyo Midowga musharrixiinta
 

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta soo dhoweeyay heshiishkii shalay magaalada Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxweynaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay labada maamul ayaa lagu sheegay, in ay ka rajaynayaan dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in ay dowladdu la imaato xalka caqabadaha ku xeeran shirka wadatashiga.

Labada maamul waxay sheegeen in ay doonayaan qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka.

Jubaland waxay ugu baaqday Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista doorashada.

Puntland waxay soo dhowwaysay in dowladda federalka ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mugdisho, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]