4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Faysal Cali Waraabe “Somaliland cid cid ka wakiilihi ma jirto”
 

Khamiis, Febraayo, 25, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay jidhdil kii ay booliska Somaliland u gaysteen wariye Hoodo Garays, ayaa sheegay in masuul kasta oo xil hayaaba uu wuxuu doono samaynayo.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu lahaa, ayaa cambaareeyay jidhdil ka ay askarta saldhiga Dagmada Maxamuud Haybe ee Hargaysa u gaysteen wariye Hoodo Garays iyo hooyadeed.

“Maanta waad ogtihiin dalkeenu halkuu marayo walalayaal, cid cid ka wakiilihi ma jirto, qof waliba wuxuu doonayo halkiisu ku samaynayaa, masuuul kastaaba wuxu doono ayuu samaynayaa, waxa ka markhaati kacaysa inanta iyo hooyadeeda lagu dilay saldhiga xaafada Maxamuud Haybe ee aduunka maanta meelkasta laynagu caayayo, ee utagay meesha in ay warqad kasoo qaataan, ee labadoodiiba la garacay, .” Ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiye Faysal ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Hoodo Garays iyo hooyadeed ba ay ka kimid yihiin xisbiga UCID isla markaana ay kamid ahayd hablaha ugu fir fircoon xisbigiisa.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]