4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Baledweyne la geeyay iyo goobta lagu aasayo oo la shaaciyay
 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw soo caga dhigatay diyaarad siday Meydka Allah u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska guud ee Beelweynta Xawaadle kaaso dhawan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allah u naxariistee meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif diyaarada siday waxaa saarnaa masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, uu hormuud ka yahay Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Jenaraal Muqtaar Xuseen Afrax.

Waxaa sidoo kale maanta duhurnimadii soo gaaray magaalada Baledweyne diyaarado dhowr ah oo siday wafuud kala duwan oo u yimid ka qeyb galka aaska allah u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana wafuudaasi ka mid ahaa Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah Ugaaska Beesha Ceyr ahna ku simaha Ugaaska Beelaha Xawaadle kuwaas oo si heer sarre ah loogu soo dhaweyay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Guddiga ku howlan aaska Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in meydka maalinta berito ah lagu aasi doono qabuuraha Dahara Ugaas oo ku yaala duleedka Degmada Halgan ee gobolka Hiiraan halkaas oo aay ku aasan yihiin 19 Ugaas oo uu isaga ku noqonayo Ugaaskii 20-aad ee Saldanada Beelweynta Xawaadle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]