4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Shir gaar ah oo Muqdisho uga furmay Raysal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharrixiinta

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Kulan gaar ah ayaa haatan magaalada Muqdisho uga furmay Midowga Musharrixiinta madaxweynaha, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ajandaha shirka ayaa la xiriira xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo rabshadaha ka dhashay Doorashada waqtigeeda kadib dhacday iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa inuu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in uusan shirka ka qeyb galin Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, lamana oga sababta ka dambeysa inuu ka baaqsado shirka.

Balse, waxaa shirka ka qeyb galay madaxweynayaashii hore, Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirkan horay ugu baaqay, isagoo sheegay inuu la farriisanayo cid kaste oo dowladda wax ka tabanaysa.

Waxaa lagu wadaa in looga arrinsado sidii doorashada degdeg loogu qaban lahaa iyo in cabashada musharrixiinta la tixgaliyo.

Qabsoomida shirkan ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berrito ay mucaaradku u ballansan yihiin mudaharaad dowladda loogasoo horjeedo, iyadoo dowladduna ay ku jirto sidii ay uga hortagi lahayd.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]