4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Dadaalo lagu baajinayo dibadbaxa maalinta Jimcaha oo ka socda Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soconayay dadaalo la doonayo in lagu baajiyo dibadbaxa maalinta Jimcaha ay ku baaqeen midowga musharixiinta iyo sidii leysugu soo dhaweyn lahaa  Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulamadii dhacay saacadihii la soo dhaafay wax xooggaa hormar ah laga sameeyay iyadoo maanta loo balansan yahay kulan kale oo ay ka qeybgali doonaan Ra'iisal Wasaaraha, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Musharixiinta.

Wasiirka Wasaarrada Amniga Xassan Xudubeey Jimcaale ayaa kulamadan socda u xaqiijiyay warbaahinta

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in marka hore dowladdu aqbasho sharuudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay raaligalin buuxda ka bixiso wixii 19kii bishan Febraayo iyo in laga qeybgaliyo shirarka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale musharixiinta ayaa doonaya in loo fasaxo dibadbaxa ay ku baaqeen in uu Jimcaha dhaco kaasoo noqonaya dibadbax nabaddeed.

Kulanka maanta dhacaya ayaa lagu waddaa in lagu lafaguro inta badan qoddobada ay soo jeediyeen midowga Musharixiinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]