4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Puntland oo beenisay war kasoo yeeray wasaaradda qorsahaynta dowladda federalka Soomaaliya
 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) - Puntland ayaa beenisay in dowladda federalka Soomaaliya ay gacan ka gaysatay dedaaladda dib-udhiska wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo, taasoo mashruuceedu uu fashilmay xilligii maamulkii Cabdweli Gaas.

Wasaaradda qorshaynta Puntland ayaa soo saartay hadal ay ku beeninayso war dhawaan kasoo baxay wasaaradda qorshaynta Soomaaliya, taasoo sheegtay inay dowladda federalka dhisayso wadadaan, kadib markii shacabku kasoo cowdeen burburka wadadaas ku yimid.

“Puntland waxay la wadaagaysaa dadweynaheeda inay iyadu soo bilowday dedaaladda dib-udhiska Wadada Jalam-Harfo, horraantii Sanadka 2019, ugu dambayntiina lagu guulaystay, iyadoo ay soo martay  marxalado kala duwan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda qorshaynta Puntland.

Wasaaradda qorshaynta Puntland waxay tilmaamtay in la dhamaystiray qiimayntii qaab-dhismeedka wadada, kadib 4 sahan oo isdaba joog ahaa oo la qabtay, iyadoo ay hadda socoto howsha qandaraas bixintu.

Waxay caddaysay in haba yaraatee aanay jirin gacan ay ka gaystay Wasaaradda Qorshaynta Federaalka ah ee Soomaaliya qabsoomidda shaqooyinkaas.

“Sheegashadooda  been abuurka ahna waa mid lala yaabo!! Waxaan uga digaynaa Wasaaradda Qorshaynta Federaalka Soomaaliya inaysan hagardaamo u gaysan dhamaystirka Howsha wadada,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]