4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Prof Warfaa'' Ugaas Xassan waxaa laga helay cudurka Covid 19

 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) -  Prof Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed dhinaca kalana adeer  u ahaa alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa sheegay in Ugaaska toddobaadyo ka hor laga helay cudurka Covid 19.

''Baaritaan lagu sameeyay Ugaaska waxaa toddobaad ka hor laga helay cudurka Coronavirus, hasse ahaatee neef qabatin ma uusan laheyn, sidaa daraadeed waxaa uu codsaday in dib loogu celiyo Hotelkii uu deganaa, labadii cisho ee la soo dhaafay uu soo yara wanaagsanaanayay, laakiin xalay ayuu waqtigiisu ku ekaa oo uu geeriyooday'' ayuu yiri Prof Warfaa.

Ugaaska ayuu ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi muddo dheer soo shaqeeyay intii uu Ugaaska ahaana siweyn uga dhax muuqday dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuu ahaa ayuu yiri qof mowqif adag oo aan is badbadalin, islamarkaana nabadda jecel.

Geerida Ugaas Xassan ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, maamul gobolleedyada dalka iyo waliba guud ahaan hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]