4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo goor dhaw geeriyooday

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariisteen Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaaska ayaa goor dhaw oo fiidnimadii caawa ah ku geeriyooday Hoteel Mubaarak uu ka degganaa magaalada Muqdisho sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelada Ugaaska.
 
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin in Ugaaska uu u geeriyooday cudurkan safka marka ah ee Covid 19 iyo in kale, hasse ahaatee waxaa socda baaritaan arintaa ku saabsan.

Ugaaska ayaa la caleemo saaray 25 July 2016kii kaddib markii uu geeriyooday walaalkiisa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Wixii war ah ee ka soo kordha geerida Ugaaska waan idin soo gudbin doonnaa..

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]