4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Madaxweyne Deni ‘’ Farmaajo si cad ayuu inoogu sheegay in reerkiisa aysan hoostagi doonin Jubbaland

 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Deni ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Farmaajo in uu aamisan yahay in uu dalkan gabi ahaanba ku qabsado sida uu hadalka u dhiggay xoog iyo awood ciidan , isaga oo intaa ku darray in doorashada Soomaliya kala weyn tahay Farmaajo arinta Garbahaareey iyo in beeshiisu aysan ogoleyn in la hoosgeeyo Jubbaland.

"Shirkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb, markii la soo gaaray in laga hadlo arinta gobolka Gedo iyo Garbahaareey wuxuu nagu yiri Annigu waan baxayaa xitaa wuxuu isku dayay in sababta shirka uu u burburinayo aan micno u sameyno, isaga oo markaa diidan in laga hadlo arinta gobolka Gedo iyo Garbahaareey’’  habbeen- barkiina waxaa dhawaaqay nin waqtiyada danbe soo baxay oo Dubbe la yiraahdo wixii uu ku hadlayna waad maqasheen ''ayuu yiri Deni.

Waxaan isku dayay ayuu yiri in aan xasuusiyo madaxweynaha in waqtigu gabagabo yahay islamarkaana ay soo dhawday 8da Feberaayo oo ku ek muddo xileedkisia hasse ahaatee waxaa uu iigu jawaabay ayuu yiri’’ Wax 8da Feberaayo la yiraahdo  ma jiraan, dalka hay’addaha hadda jira ayaa sii shaqey-naya ilaa laga helayo hay’addo kale oo sharci ah oo badala ‘’Wuxuu ii soo diray talleefoon markii la dhaafay waqtigii muddo xileedkiisa, wuxuu igu yiri aaway dadkii lahaa waxbaa dhacaya haddii waqtigaa la gaaro, wax dhacay ma aragtay’’

Saciid Deni ayaa sheegay in dhowr jeer isaga iyo Axmed Madoobe uu kula  diriray madaxweyne Farmajo la kulanka siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiye’’' Marar badan oo aan Muqdisho tagnay aniga iyo Axmed Madoobe madaxweyne Farmaajo wuxuu nagula diriray la kulanka siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiyo, isaga oo markaa noo muujinaya in ay yihiin dad isaga cadaw ku ah.

Mar uu soo hadal qaaday Deni dhacadadii 19kii bishan Jimcihii ina dhaafay oo ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in madaxweyuhu af buuxa ugu sheegay in cid kasta oo sharciga ka hortimaada xoog lagu maquuninayo’’ Waxaan ku iri sow ceeb ma’aha in madaxweynayaal hore iyo Ra’iisal Wasaarihii muddada saddex sano ah kula soo shaqeynayay aad rasaas iyo ciidan u adeegsato, wuxuu igu yiri cid kasta oo sharciga ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa’’

Deni ayaa siweyn u weerarray ujeedada laga leeyahay ciidamada Gorgor iyo Harimocad oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ciidamo qarsoon oo howlo gaar ah qabta, laakiin aan loogu tala-galin in ay cadawga la dagaalamaan sida uu hadalka u dhiggay.

‘’Ciidamadan la leeyahay Gorgor iyo Harimocade bal dib u fiiriya ilaa iyo hadda meelaha ay ka dagaalameen oo aan annigu arkay waa Dhuusa-Mareeb, Gedo iyo Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, Huriwaana lama taggi karo oo Al-shabaab ayaa heysta, waddada Muqdisho iyo Afgooyana wey xiran tahay oo ma taggaan, ayuu yiri Deni.

Mar uu soo hadal qaaday shirka uu ku baaqay madaxweynaha ayuu sheegay in magaalada Muqdisho xiligan lafahooda kala baqayaan, ‘’ bal ka warama haddii hadda taggista magaaladii Muqdisho laga wiswisayo, oo laga baqayo oo la leeyahay armaa raashinka sun leydiin ku darraa’’ ayuu yiri Deni oo hadalkiisa sii raaciyay in dalku meel halis ah marayo.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay hoos u eegaan xaalada dalka ‘’ Beesha caalamku waxey uga dhagtay fulinta heshiiskii 17ka September, waxaan leeyahay arintu 17ka September wey soo dhaaftay 19ka Feberaayo ayaa ka danbeysay’’.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in dalka uu halis ugu jiro in uu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo la damacsan yahay dalka.

Guud ahaan marka la eego hadalka madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muujinaya dhinacyada Soomaaliya ku sii kala fogaanayaa heshiis laga gaaro khilaafka doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]