4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
WHO oo fariin ku saabsan cudurka Covid 19 u dirtay dalka Tanzania

 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Tanzania ayaa lagu tilmaamayay in si ku talagal ah isku dhaafineyso diiwaangalinta iyo la socoshada dadka uu soo ritay cudurka Covid 19.

Hay'addaha caafimaadka aduunka WHO ayaa ugu baaqday dowladda Tanzania in ay la wadaagto tirada dadka uu ku dhacayo cudurkan iyo saameynta uu dalka ku yeeshay, iyadoo la og yahay in ay jiraan dad badan oo la ildaran cudurka amaba ku dhintay.

Madaxweynaha Tanzania  John Magufuli ayaa kol hore warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu ka dhamaaday cudurkan, hasse ahaatee waxaa muuqata in wali uu jiro..

Marka uu hadalka jeediyay madaxweynaha kaddib ayaa la ogaaday in cudurkan gudaha dalkaasi ay ku dhinteen dad siyaasiyiin ah oo xitaa saaxiib dhaw la lahaa madaxweyne John Magufuli. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]