4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Wasiir Oomaar oo ka hadlay xaaladda garoonka diyaaradda Muqdisho iyo duulimaadyo caalami ah oo la kansalay
 

Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid wanaagsan duulimaadyaduna sidii caadiga ahayd ugasoo dagayaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shirkaddo duulimaadyadooda kansalay sida Ethiopian Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo berrito dib u bilaabaya duulimaad yadooda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay duulimaadyada la kansalay in aanay la xiriirin xaaladdaha ka taagan magaalada Muqdisho, balse ay jiraan arrimo xagooda ah oo keenta in marar badan ay kansalaan duulimaadyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay diyaarada Turkish Airlines in ay duulimaad toos ah maalinta berri ah ku imaanayso Muqdisho halka Uganda Airlines ay u baaqatay rakaabka oo ku yaraaday awgiis, sida uu sheegay wasiirku.

Oomaar wuxuu sheegay in madfac ku dhacay nawaaxiga garoonka in aanay wax qatar ah u geysinin shaqada garoonka islamarkaana laamaha amnigu ay baaritaan ku hayaan ciddii falkaas ka dambeysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]