4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay kulan hor dhac u ah shirka Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee caawa ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]