4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Qoddobo laga soo saaray shirkii Guddiga farsamada ee magaalada Baydhabo

 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ku soo dhamaaday shir saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay halkaa ku lahaa ku lahaayeen Guddi farsamo oo ka kala socday DF Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddigan oo ka koobnaa 14 xubnood ayaa loo saaray in ay u sii gogol xaarraan shirka madaxda DF, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir looga hadlayo qabsoomida doorasho leysku raacsan yahay.

Haddaba gabagabadii ayeey Guddigan shirkooda Baydhabo ka soo saareen ilaa shan Qodobo oo dhamaantood quseeya siddii looga gudbi lahaa khilaafka muddo dheerba soo jiitamayay ee doorashada.

Hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay shirka 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]