4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2021
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo beenisay in dad 30 qof gaaraya ay xalay u geeriyoodeen covid-19
 

Talaado, Feberaayo, 16, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay warar sheegaya in 30 qof ay Muqdisho ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19, arrinataas oo baraha bulshada aad loogu faafiyay 24-saac ee ugu dambeeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur, oo shir jaraa’id ku qabatay gudaha isbitaalka Martiini ayaa sheegtay in xalay illaa saakay ay isbitaalka ku geeriyoodeen shan ruux oo oo kamid ahaa bukaanadii u jiifay covid-19.

Wasiirka caafimaadku waxay ka digtay in wararka been abuurka ahi ay kasii dari karaan xaaladda covid-19, loona baahan yahay in laga feejignaado laguna xirnaado xogta wasaaraddu ka bixiso hadba halka uu marayo waxa kusoo kordha cudurka.

“Dadka in la cabsi galiyo waa qalad, waxaa jira dad badan oo cudurkii uu haayo, haddii ay maqlaan wararka been abuurka ah waxaa macquul ah in ay isbitaalka cabsi ka qaadaan oo aysan  helin daryeel iyo la talin,” ayay tiri Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale beenisay in ay jirto Oxygen la’aan ka jirta isbitaalada lagu hayo dadka qaba Covid-19, taas oo keentay in ay dad u dhintaan, inkastoo ay tilmaamtay in mararka qaarkiis ay ciriiri gasho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]