4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Jenaraal Xuud oo 48 saacadood u qabtay Hirshabeelle iney uga baxdo magaalada Baledweyne
 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa maanta u qabtay 48 saacadood gudahood iney uga baxaan magaalada Baledweyne masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baledweyne.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sheegay ineysan u dulqaadan doonin dhibaatoyinka Hirshabeelle ee ka geysanayaan magaalada Baledweyne oo ah xariga dadka shacabka ah iyo amaan darada aay magaalada kusoo kordhiyeen, waa sida uu hadalka u dhigaye Janeraalka.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sidoo kale fariin adag u diray dowlada Soomaaliya oo uu sheegay iney beegsi ku haayso Sarakiisha Xooga dalka ee u dhashay gobolkan oo aay marwalbo badalaan waxuuna ugu baaqay in arintaasi dowlada ka waantowdo oo aay dib ugu soo celiso Sarakiisha aay gobolka ka badashay.

Hadalka Jenaraal Xuud ayaa imaanaya xili maanta fariisinka Golaha Kacdoonka Hiiraan aay gaareen boqolaal dadweyne ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo taageero balaaran u muujiyay dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Jenaraal Xuud uu hoggaaminaayo.

Hanjabaada kasoo yeertay hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud ayaa imaaneysa xili 4-tii bishaan ciidamo ka amar qaata aay gudaha magaalada Baledweyne kula dagaalameen ciidamo ka tirsan Hirshabeelle.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]