4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Shirkii waddatashiga madaxda DF iyo Dowlad gobolleedyada oo dib u dhacay

 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in 15ka bisha Feberaayo oo maanta ku beegan magaalada Garoowe uu ka furmayo shir wada tashi ah oo ay isugu imanayaan madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Laakiin shirkan ayaa dib u dhacay kaddib markii madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda dhexe isku qabteen halka shirkan uu ka dhacayo kaddib markii Puntland ku gacanseyrtay in lagu qabto magaalada Garoowe.

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalntii shalay magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo yeelan doona kulamo loogu gogol xaarayo shirka uu iclaamiyay madaxweynaha sii haya xafiiska ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiyadan oo mid labo xubnood ka kooban ayaa la filayaa in ay ku shiraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Marka laga soo taggo guddiyada uu magacaabay Ra'iisal Wasaaraha waxaa wali jirta hubinta la'aan la xiriirta halka uu ka furmayo shirka ay isugu imanayaan madaxda DF iyo Dowlad gobolleedyada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]