Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku booqday Imaam Maxamed Yuusuf Cali, isagoo ka raali geliyay shaqaaqadii shalay lagu rasaaseeyay gaari uu la socday Imaamka iyo Duubabka kale.
newsinsideRaysal Wasaaraha ayaa sheegay inay dowladdu dusha saaranayso khasaarihii ka dhashay falkii lagu rasaaseeyay Imaamka oo ay kamid yihiin dhaawacyo soo gaaray dad la socday imaamka iyo burbur soo gaaray gaariga uu la socday.
Imaam Maxamed Yuusuf Cali, ayaa raysal wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ugu tagay iyo sida ay dowladda raallin galin uga bixisay falka dhacay, wuxuuna sheegay in ay horay usoo booqdeen masuuliyiin kale oo dowladda laamaheeda kala duwan ka socday.
Booqashada uu raysal wasaaaruhu ugu tagay Imaamka, ayaa timid kadib markii midowga musharrixiinta mucaaradka ay dowladda ku eedeeyeen in aysan cidna u turayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]