4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Booliiska Soomaaliya oo Al-shabaab ku eedeeyay haween lagu toogtay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL)-Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa looga hadlay toogasho subaxnimadii hore ee saakay koox hubeysan ka geysteen magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay Al-shabaab toogasho ku dileen saddex haween oo sida Booliisku hadalka u dhiggay labo ka mid xaamilo ahaayeen.

''“Waxey-nu baareynaa dil loo gaystay subaxnimadii hore ee saakay saddex  Dumar ah oo  Labo ka mid ah xaamilo ahaayeen, waxaana toogtay kooxo ka tirsan argagixisada Al-shabaab, ma'aha wax ku cusub Soomaaliya in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan kooxaha argagixisada ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska.

Marka laga soo tago warka ka soo baxay Booliiska wali ma jirto cid sheegatay dilka haweenka oo waqtiga la weerarray isku dayay in ay raacaan gaari Bajaaj geyn lahaa goobtooda shaqada,.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]