4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
10 Sanno ka hor maanta (Feb 14, 2011): Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku celiyay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay la dagaalanto Al-shabaab

Qoraalkaan wuxuu ku soo baxay Hiiraan Online 14 bishii Feberaayo ee sannadkii 2011. Xilligaas waxaa dalka Ra'iisul wasaare ka ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo


10 Sanno ka hor maanta - Feb. 14, 2011: R/Wasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo


Isniin, 14 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa mar kale ku celiyay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay dagaal la gasho Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka talisa inta badan Muqdisho iyo gobollada koonfureed ee dalka.

"Xukuumaddu way ku qasban tahay inay la dagaalanto kuwa nabadda diiddan, sidoo kalena aan ogolayn jiritaanka dowladda," ayuu yiri Farmaajo oo shalay la hadlayay ciidanka naafada Martiini oo ay DKMG ah markii ugu horreysay siisay mushaaraad ay sheegtay inay joogto ahaan doonaan.

Mudane Farmaajo wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto sidii ay u daryeeli lahayd ciidankeeda si dalka ammaankiisa loo soo celiyo, isagoo xusay in askarta dowladda ay diyaar u yihiin inay dib u soo celiyaan ammaanka iyo kala dambeynta.

"Askarigii ku dhintay dagaalka qoyskiisa waxaa daryeeli doonta xukuumdda, waayo waa askari u dhintay inuu dalkiisa difaaco, sidoo kale askarkii dhaawacma waxaan ballanqaadaynaa inuu heli doono daweyn dhameystiran," ayuu yiri Farmaajo.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa toddobaadkan sidoo kale sheegay inay dagaal la geli doonaan Xarrakatul Shabaab, waxaana markii uu xilka la wareegayay uu sheegay inuu wadahadallo la furi doono kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa kasii dhammaanaya 100-maalmood oo ay sheegtay inay wax kaga qabanayso ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Muqdisho markii ay codka kalsoonida ah weydiisanaysay baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya