Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Jaamacadda Qabridahare oo ay ka qalin jabiyeen maanta 622 arday
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Arday tiradoodu dhan tahay 622 arday ayaa maanta ka qalin jabiyay Jaamacadda Qabridahare, oo ku taal magaalada Qabridahare ee Degaanka Soomaalida.
Xafladda qalinjabinta ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda degaanka u saraysa oo u horeeyo Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo mas'uuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay xafladda qalinjabintan Waalidiinta iyo Asxaabta ardayda qalinjabinaysa oo soo buux dhaafiyay goobta ay kasocotay xafladdu.
Haddaba ardayda maanta qalin jabinaysay oo tiradoodu dhamayd 622 arday, ayaa ahayd dufcaddii u horeysay ee ka qalinjabisa jaamacadda tan iyo markii la aasaasay.
Jaamacadda Qabridahare ayaa kamid ah jaamacadaha dalka ugu sareeya, waana jaamacadda labaad ee ku taal degaanka Soomaalida.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]
Khasaare ka dhashay rasaas lagu furay gaari uu la socday Imaamka beesha Mudullood
2/13/2021 10:39 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) -Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay rasaas lagu furay gaari uu la socday Imaamnka beesha Mudullood Imaam Maxamed Yusuf oo marayay meel aan ka fogeyn xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Shir Saxaafadeed Culumadda Minnesota ay kaga Hadleen Xaaladda Doorashada Soomaaliya
2/13/2021 10:01 AM EST
Culumodiinka Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa shalay galabnimadii ku qabtay shir saxaafadeed ay kaga hadlayeen xaalada cakiran ee arimaha doorashada ee ka taagan dalkeena Soomaaliya.
Suldaankii guud ee beelaha Somaliland oo maanta Hargaysa lagu aasay iyo suldaan cusub oo la caleemo saaray
2/13/2021 9:58 AM EST
Sabti, Febraayo, 13, 2021 (HOL)- suldaankii guud ee beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan Cabdiqadir, oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Hargaysa, isla markana waxa isla goobta lagu caleemo saaray Suldan Da’ud Suldan Maxamed oo ah mid kamid ah wiilasha uu suldaanku dhalay.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maxkamadda ICJ ay Kenya ka diiday in dib loo dhigo dacwada badda
2/13/2021 8:00 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in aan dib loo dhigidoonin dacwadda dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, sida uu sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Gulled.
Nin Soomaali ah oo geystay labo kufsi oo ka badbaaday in laga soo masaafuriyo UK
2/13/2021 7:31 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Nin Soomaali ah oo la sheegay inuu labo kufsi geystay ayaa loo oggolaaday inuu sii joogo dalka UK sababo la xiriira caafimaadka dhimirkiisa darteed.
Beesha caalamka oo ka hadashay muranka ka taagan goobta lagu qabanayo shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay
2/13/2021 4:55 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeysay ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray shirkii Dhusamareeb.
Hoggaamiyaha Burcadda disha Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika oo la qabtay
2/13/2021 4:40 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Booliiska wadanka Koofur Afrika ayaa maanta xabsiga dhigay Nin la sheegay inuu yahay hoggaamiyaha Burcadda hubeysan ee dilalka u geysata shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.
Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho
2/13/2021 3:41 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) -Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay Isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kormeeray Kiliga Waraaboole
2/13/2021 3:34 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo guddoomiyaha guddiga Fatahaada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa Maanta si wadajir ah u kormeeray howlo carabixin iyo balaarin ah oo lagu sameynayo Kiliga Waraaboole si looga hortago qatarta Fatahaada Baledweyne.
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
2/13/2021 2:16 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siyadka ee magaalada Muqdisho.
Guddiyo si hor dhac ah uga wada hadlaya shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo
2/13/2021 12:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Iyadoo 15 ka bishan loo balansan yahay kulan uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale maanta oo Sabti ah lagu waddaa in ay bilaawdaan wada hadallo hoosyaadyo u dhaxeyn doona guddiyo ka kala socda dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowlad gobolleedyada.
Jaamacadda Carabta oo war ka soo saartay xaalada Soomaaliya iyo ismarwaaga doorashada
2/13/2021 12:04 AM EST
Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay wada hadlaan si loo dhameeyo khilaafaadka jira isfaham buuxana looga gaaro arimaha doorashada ee leysku hayo.
Somali News
SOMA Observes World Radio Day and the 8th anniversary of its foundation
-
SOMA
2/13/2021 1:37 PM EST
The Somali Media Association (SOMA) is celebrating the International World Radio Day and the 8th anniversary of the establishment of the association.
Maritime case to proceed, ICJ rules, objects Kenya’s application
-
HOL
2/13/2021 9:54 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The International Court of Justice has maintained the maritime case between Somalia and Kenya will continue next month dismissing Nairobi’s prayers for a further delay.
International Community urges ‘short election timelines’ ahead of fresh poll talks
-
HOL
2/13/2021 6:28 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The International Community has called on Somali leaders to set out a short election timeline to allow the country to finish up the exercise in light of several missed deadlines.
‘Several’ feared dead as vehicle loaded with explosives blows up near parliament in Mogadishu
-
HOL
2/13/2021 2:26 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Several people are feared dead after a vehicle loaded with explosives blew up near the parliament building in Mogadishu.
Abdirashid Hashi steps down as director of prominent Somali thinktank
-
HOL
2/13/2021 1:45 AM EST
Mogadishu (HOL) - The veteran director of Somalia's first think tank has announecd that he willl step down from his role at the helm of an organization that has been at the forefront of policy since it's inception in 2013.
Locust-hit Somali farmers in Bakool walk for days to find food in Gedo
-
Radio Ergo
2/13/2021 1:14 AM EST
(ERGO) – Makay Ibrahim Isaq, a widow, walked for eight days with her six children to the neighbouring region of Gedo after they ran out of food in southwestern Somalia’s Bakool, where waves of desert locusts have had a devastating impact on small farmers.
Mohamed Abdirizak: Is Somalia’s government legitimate?
-
Al Jazeera
2/13/2021 1:10 AM EST
Somalia’s foreign minister discusses the government’s legitimacy after official term expired without a new election.
Arab League joins chorus of international calls to end political deadlock in Somalia
-
HOL
2/13/2021 12:57 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Arab League has called on Somalia's political leaders to find an immediate resolution to the electoral impasse in a statement released on Friday.
Blast hits local gov't office in Somali capital
-
AA
2/13/2021 12:44 AM EST
A bomb explosion on Friday evening targeted a local government office near Somalia's biggest market in the capital Mogadishu.