4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 12, 2021 (HOL) - Qarax dhawaqiisa siweyn looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa  KPP iyo Isgoyska Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaar ahaan qaraxan oo ahaa miino la dhiggay meel aan ka ogeyn maqaaxi lagu magacaabo SAARA  oo ku taala Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare ka dhashay qaraxan oo ka mid noqonaya qaraxyo waayadii ugu danbeeyay ku soo batay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan noocan ah ayaa lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha dowladda iyo gaadiidka ay la socdaan ciidamada qalabka sidda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]