4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
James Swan oo xaalada Soomaaliya kala hadlay dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Uganda

 

Jimco, Feberaayo, 12, 2021 (HOL) -  James Swan oo ah wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada ee Soomaaliya oo toddobadyadii ugu danbeeyay wadday dadaallo la xiriira sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada Soomaaliya ee isku mari la' qabashada doorasho wadar ogol ah ayaa arintan kala hadlay Wasiirro Arrimo dibadeedka wadamada, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda.

Mr Swan ayaa ka dhageystay Wasiiro arrimo diibadeedka afartan wadan oo saameyn toos ah ku leh xaalada Soomaaliya sidii looga hortagi lahaa in ay dalka ka dhacdo doorasho lagu muransan yahay.

Qoraal kooban oo uu soo dhiggay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri'' Waxaan boggaadinayaa todobaadkii taggay in aan fursad u helay in aan khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah'” 

Soomaaliya wali la hubo xiliga ay ka dhaceyso doorashada heer federaal iyadoo uu dhamaaday muddo xileedka dowladda hadda jirta, hasse ahaatee wali waxaa soconaya dadaallo la doonayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka iyo muranka u dhaxeeya madaxda heer federaal iyo dowlad gobolleedyada ee la xiriira arrimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]