Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Wafti wasiiro Somaliland ka socda oo Nairobi gaadhay iyo ujeedka socdaal kooda
Khamiis, Febraayo, 11, 2021 (HOL)- sida ay ku waranatay jariirada Busiweek, wasiirada qorshaynta iyo maaliyada ee Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la qaatay madaxa shaqaalaha dawladda ee Kenya si loosi anba qaado daddaalada lagu doonayo in Kenya ay xafiis dibulumaasiyadeed kaga furato magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Warbixinta aya lagu yidhi “waftiga Somaliland oo ay hogaaminayaan wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shirre iyo wasiirka qorshaynta Xasan Gaafaadhi, ayaa kulan la qaatay madaxa shaqaalaha dawlada ee Kenya Joseph Kinyua, kulan kan yay dhinacyadu ku sheegeen in uu yahay wareegii labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Kenya, kahor inta aan lafurin xafiiska Kenya ee Hargaysa iyo duulimaadyada tooska ah ee iskaga kala gooshi doona magaalooyinka Nairobi iyo Hargaysa”.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in waftiga uu kamid ahaa wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar kaasi oo sheegay, in kulankani uu daba socdo isfahamkii ay dabayaaqadii sanadkii hore kala saxeexdeen madaxwaynayaasha Somaliland iyo Kenya.
Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Booliiska Baledweyne oo gacanta kusoo dhigay Wiil 9 jir ah oo la afduubtay iyo Ninkii afduubtay
2/11/2021 2:05 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Baledweyne ayay u suurta gashay iney gacanta kusoo dhigaan nin la sheegay inuu afduubtay wiil yar oo sagaal sano jir ah.
Kenya oo caddeysay sababta ay u dalbatay dib u dhiggista dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya
2/11/2021 10:46 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11, 2021 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in sababta dowladda Kenya u dalbatay dib u dhiggista la xiriirto sharci ahaanshaha dowladda hadda jirta ee Soomaaliya.
Golaha aqalka sare ee dalka Maraykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya
2/11/2021 8:37 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee aqalka Senate-ka Maraykanka, Bob Menendez, ayaa soo saaray bayaan la xiriira dhibaatada doorashada Soomaaliya ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu waqtigiisii dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qabashada doorashooyinka.
Maxkamada Madaniga Gobolka Hiiraan oo sii deysay dhalinyaro maalmahan ku xirnaa Baledweyne
2/11/2021 6:45 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Maxkamada Madaniga gobolka Hiiraan ayaa maanta sii deysay ilaa 7 dhalinyaro ah oo isugu jiray 4 Wiil iyo 3 Gabdhood kuwaas oo muddo laba todobaad ka badan ku xirnaa Xabsiga Nabadsugida ee ku yaala xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.
Maamulka degmada Kismaayo oo ka hadlay dilal saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada
2/11/2021 6:27 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11. 2021 (HOL) - Maamulka magaalada Kismaayo ee dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa ka hadlay howlgalo ay ka sameeyeen magaalada kaddib dilal iyo qaraxyo ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay.
Puntland oo weli ku adkaysatay in shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Muqdisho
2/11/2021 6:25 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa weli ku adkaysanaya in Muqdisho lagu qabto shirka wadatashiga ee uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay, xilli ay dowladda federalka ka go'an tahay in shirka lagu qabandoono Garowe.
Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hortimid qorshe Kenya ku doonayso in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada badda
2/11/2021 4:57 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay dalab dowladda Kenya ugudbisay maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ICJ, si dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay.
Ciidamada dowladda oo howlgalo ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe
2/11/2021 2:17 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11. 2021 (HOL)-Howlgalo lagula dagaalamayo Ururka Al-shabaab saacadihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda waxaa ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeymo lala eegtay xarumo Al-shabaab gobolka Jubbada Dhexe
2/11/2021 12:21 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Saakoow ayaa sheegay in xalay waqti danbe halkaa laga maqlay duqemo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka.
Somali News
Somalia urges ICJ to dismiss Kenya’s prayers for further delay of maritime case
-
HOL
2/11/2021 7:04 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somalia has written to the International Court of Justice seeking the dismissal of a request by Kenya to yet again postpone the maritime case whose hearing is set to commence next month.
'Emaciated' survivors hint at worse in Ethiopia's embattled Tigray region
-
AP
2/11/2021 2:00 AM EST
NAIROBI, Kenya - “Many, many severe cases of malnutrition” are being reported in Ethiopia's embattled Tigray region, Red Cross officials said Wednesday, as 80% of Tigray's 6 million people are unreachable in the fourth month of fighting and “emaciated” women and children fill displacement camps.
Suspected US airstrike reported overnight southern Somalia
-
HOL
2/11/2021 1:56 AM EST
Mogadishu (HOL) - Residents in Middle Jubba reported a suspected US airstrike in their vicinity on Wednesday.
Somalia's health minister worried about rising COVID-19 cases
-
HOL
2/11/2021 1:20 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Health, Fawziya Abikar Nur, says she is extremely alarmed about the rising number of COVID-19 cases after the country experienced one of it's deadliest weeks since the onset of the pandemic.
Is Somalia ignoring coronavirus pandemic?
-
AA
2/11/2021 12:16 AM EST
MOGADISHU, Somalia - As the world grapples with COVID-19 in its final round, the Somalian government faces criticism for its lax approach to fight the pandemic.
Somali farmers in Gedo give up on farming after floods and locusts ruin their harvest
-
Radio Ergo
2/11/2021 12:14 AM EST
(ERGO) – A number of farmers in Dollow and Beled Hawo districts in southern Somalia’s Gedo region have given up farming as a livelihood after suffering consecutive blows from flooding and locust invasions.
What is delaying Somalia’s elections?
-
AlJazeera
2/11/2021 12:06 AM EST
February 8 polls delayed as president and powerful regional leaders squabble over the voting process.