4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Golaha aqalka sare ee dalka Maraykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya
 

Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee aqalka Senate-ka Maraykanka, Bob Menendez,  ayaa soo saaray bayaan la xiriira dhibaatada doorashada Soomaaliya ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu waqtigiisii dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qabashada doorashooyinka.

Bob Menendez, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay halista dhiig daata oo ka dhalan karta ismari waaga siyaasadeed ee hadda jira.

“Is mari waaga taagan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis ku yahay guulaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed ay gaareen tobankii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Bob.

Wuxuu bayaankiisa ku sheegay in kooxda Al Shabaab ay raadinayso fursad kasta oo ay uga faa’iideysato qalalaasaha siyaasadeed ee doorashada ka dhasha si ay usii wado ololaheeda argagixisanimo, sida uu sheegay.

Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa ugu baaqay dhamaan dhinacyada inay si deg deg ah uga laabtaan siyaasada danaha shaqsiyadeed ah ayna xaliyaan khilaafaadka harsan ee ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo laga fogaanayo dib u dhac.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]