4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo maanta hortaggaya Golaha Shacabka

 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Arbaco ah uu hortago xildhibaannada Golaha Shacabka, halkaa oo uu ka jeedin doono khudbad ka la xiriirta wax qabadka xukuumaddiisa.

Maalin ka hor ayeey aheyd Ra'iisal Wasaaruhu in uu hortago xildhibaannada Golaha Shacabka. laakiin kulankaa ayaa dib loo dhiggay kaddib markii ay xildhibaannadu codsadeen ka hor inta uusan hor iman ra'iisal Wasaaraha loo qeybo xildhibaannada qoraalka wax qabadka xukuumadda ee 100 maalmood.

Muddadii uu joogay Ra'iisal Wasaaraha wax yaabaha ay xukuumadu ka shaqeysay ayaa la oran karaa waa hergalinta doorasho dadban oo dalka ka qabsoonta taasoo ilaa iyo hadda aan heshiis lagu heyn.

Xildhibaannada qaar ayaa uga digay ra'iisal Wasaaraha in uu Golaha u soo jeediyo muddo korarsi, madaama soo idlaaday waqtiga hay'addaha dastuuriga ee dalka oo afar sano loo idmaday hoggaaminta dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]