4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo sheegay in uu ka qeybgalayo shirka Dhuusa-Mareeb

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku wargaliyay madaxweynaha Galmudug in maalinta berri ah uu taggayo Dhuusa-Mareeb si uu uga qeybgalo shirka halkaa uga furmaya madaxda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in mar haddii  arrimaha looga wada hadlayo shirka uu qeyb ka yahay khilaafka ka taaggan doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi uu xaq u leeyahay ka qeybgalka shirka.

''Mudane madaxweyne Qoor Qoor waxaan kugu wargalinayaa in maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 2da bisha Feberaayo aniga iyo wafdi aan horkacayo aan ku soo jeedno magaalada Dhuusa-Mareeb si aan shirka uga qeybgalno ayuu yiri ku yiri qoraalkiisa guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Aqalka sare kama mid ah xubnaha shirka lagu martiqaaday iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shirkan ku baaqay uu sheegay in uu noqonayo shir u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir oo kaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]